Qaar ka mid ah qaybaha bulshada ee Muqdishu ayaa ka hadlay sida ay u arkaan maqaanka iyo saamiga kuraasta aqalka sare ee Muqdishu ay yeelanayso. Arrintan ayaa ka dambaysay markii guddi baarlamaanku u saaray dhammaystirka xeerka doorashada ay ku taliyeen in 7 xubnood oo aqalka sare ah la siiyo Muqdishu. Dhinaca kalena waxaa maanta ka dhacay Muqdishu bannaanbax arrintaas lagu taageerayo. Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.