Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo soo warisay 45 xaalado cusub oo COVID-19 ah


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 45 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan gobolka Banaadir 25, Somaliland 17, Puntland 2, iyo Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay hal kiis.

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale soo warisay in hal qof uu COVID-19 u dhintay, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 83 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 10 qof, taasi oo tirada guud ee bukaannada ka bogsooday cudurkan ka dhigeysa 441 qof.

Tirada guud ahaan laga diiwaangeliyay Soomaaliya ayaa haatan ah 2,332 xaaladood oo COVID-19 ah.

XS
SM
MD
LG