Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howlgallo amni oo ka soconaya Gaalkacyo


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Waxaa socda dadaallo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Howlahan amni ayaa waxaa iska kaashanaya maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka kala taliya labada dhinac ee Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in xubin la aaminsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab una qaabilsanaa dhanka qaraxyada shalay lagu dilay magaalada.

Wasiirka Amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dhowaan magaalada lagu qabtay dad lagu tuhmay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab, oo ku lug lahaa falal amniga lid ku ah oo uu ku jiro weerar isaga lagu beegsan lahaa.

Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isaaq.

Dadaallo lagu xaqiijinayo amniga Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00


XS
SM
MD
LG