Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadaallo dib loogu furayo Masaajidda Islii oo socda


Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socda dadaallo la doonayo in dib loogu furyo masaajidyada iyo goobaha cibaadada ee dalkaasi.

Meelaha dib loo furayo waxaa kamid ah masaajidda xaafadda Islii ee ay Soomalidu ku badan tahay kuwaasoo sadexdii bilood ee lasoo dhaafay u xirnaa cabsida faafista Coronavirus awgiis.

Culumada Soomaalida Nairobi oo kullamo arrintaasi looga hadlayay la yeeshay masuulyiinta Dowladda Kenya ayaa sheegay in la isku afgartay in lagu wado in todobaadka dambe dib loo furo goobaha cibaadada ee Kenya, ayadoona ay jiri doonaan sharuudo gaar ha oo la isku afgartay in lagu dhaqmo si looga hortago fiditaanka cudurka COVID-19.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah culumada Soomaalida ee Kenya islaarkaana kamid ahaa culumadii kulamadaasi ka qeyb galay ayaa u warramay Wariyaha VOA-da ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed

Dadaallo dib loogu furay Masaajidda Islii oo socda
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:58 0:00


XS
SM
MD
LG