Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga: Soomaali loo haysto maal-gelinta falal Jihaadi ah


Xeer ilaalinta guud ee magaalada Bologna ee Waqooyiga Gobolka Emelia-Romagna ee dalka Talyaaniga ayaa dalbatay in 4 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan lagu soo oogo dacwad la xiriirta maalgelin Jihaad.

Dadkaas ayaa lagu eedeeyey in lacagta ay ka sameynayeen falal ay kamid yihiin tahriibinta dadka ka yimaada Afrika ee sida sharci darrada ah Yurub ku gala.

Kooxaha la sheegay inay taageerayeen waxaa ka mid ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama iyo ururka ONLF ee ka howl-gala dalka Itoobiya, islamarkaana dhowaan noqday xisbi siyaasadeed.

Jacfar Kukay ayaa arrintaas warbixintan nooga diyaariyay.

Talyaaniga: Soomaali loo haysto maal-gelinta falal Jihaadi ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00


XS
SM
MD
LG