Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xilliga dib loo furayo duulimaadyada gudaha Somalia oo la sheegay


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duulimaadyadii gudaha dib loo furi doono toddobaadka dambe, kadib in ka badan laba bil oo ay hakad ku jireen.

Wakaaladda wararka dawladda ee SONNA oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ayaa warka dib u furista baahisay.

Wakaaladdu ma sheegin maalinta rasmi ahaan dib loo furayo, hase yeeshee ogeysiiskii lagu xiray hawada ayaa dhacaya maalinta 8-da Juun oo ku beegan Isniinta soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyada gudaha Soomaaliya, 28-kii March, taasi oo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus.

XS
SM
MD
LG