Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fiqi oo ka hadlay isbedello amni oo ka socda Galmudug


Axmed Macallin Fiqi

Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, oo wareysi siiyey VOA ayaa ka warbixiyey isbedello dhanka amniga ah oo ka socda deegaanada Galmuudg.

Fiqi aya sheegay in dhamaan isbaarooyinkii yaallay deegaannada Galmudug ay qaadeen, isagoo intaas ku daray in ganacsatada Galmudg ee Al-Shabaab lacagaha siiya ay u aqoonsan doonaan inay argagixo yihiin.

Galmudug ayaa sidoo kale dhowaan mamnuucday in cid aan ciidanka maamulka ahayn ay hub ku dhex qaadato deegaanada maamulkaas.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Samakaab oo is khadka teleefonka kula xiriiray ayuu marka hore uga warramay isbaarooyinka la qaaday.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:46 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG