Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyada Mareykanka oo ku baahay caalamka


Kumanaan qof ayaa maanta oo Isniin ah dalka New Zealand ku qabtay banaanbax ay midnimo ugu muujinayeen debedbaxyada ka socda magaalooyinka Mareykanka ee looga dhiidhinayo dilkii ay askar ka tirsan ciidamada booliska ee magaalada Minneapolis kula keceen George Floyd.

Bannaanbaxayaasha magaalada Auckland ayaa tegay qunsuliyadda Mareykanka, waxayna ku qeylinayeen halku dhigyo caan ku ah mudaaharaadyada Mareykanka, oo ay ka mid yihiin “nolosha dadka madow waa muhiim” iyo”"cadaalad la'aan nabad ma jirto.”

Banaanbaxyada New Zealand ayaa daba socday kuwa Axaddii shalay ka kala dhacay dalalka Britain, Brazil, Canada iyo wadamo kale.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London si ay u muujiyaan taageeradooda kuwa ku sugan Mareykanka ee muujinaya dhalleeceeyntooda falkii ay ciidamo boolis ah ku dileen Floyd xilli uu u xirnaa.

Dibadbaxyo kale ayaa iyana ka dhacay dalka Denmark, iyadoo ka qeybgaleyaashu ay socod ku tageen safaaradda Mareykanka ee Copenhagen, iyagoo sitay boorar ay ka mid yihiin "jooji Dilka Dadka Madowga ah".

Jarmalka ayaa iyana mudaaharaadayaashu waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin “la xisaabtan booliska,” iyo “yaad u wacanaysaa marka ay boolisku wax dilaan?”

XS
SM
MD
LG