Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo lagu eedeeyey dilka 8 dhallinyaro ah


Toddoba dhallinayaro ah oo ka shaqeeynayay xarumo caafimaad oo ku kala yaalla deegaanka Gololley iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo qof dukaanle ah ayaa laga kaxeystay halkii ay ka shaqeeysanayeen, iyadoo muddo kooban kaddibna meydkooda la helay.

Dilkaas ayaa naxdin iyo walaacba ku abuuray dadka deegaanka. Nabadoon Axmed Maxamed Muuse (Food-Cadde) oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa dilkaasi ku eedeeyay ciidamada dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo VOA-da u warramay ayaa beeniyay eedeeyntaasi loo jeediyay ciidamada dawladda.

Wareysiyo ay weriyayaasheena Ibraahim Xasan Daandurey iyo Xuseen Xasan Dhaqane la kala yeesheen nabaddoonka iyo guddoomiyaha Balcad, hoos ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:37 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG