Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal iyo askari boolis oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho


Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska, qeybta gobolka Banaadir, iyo askari ilaalo u ahaa ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyey maamulka gobolka.

Cabdishakuur Xuseen Cabdi ayaa qaraxa loogu xiray gaarigiisa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askari kale oo baabuurka la saarnaa, sida uu sheegay afhayeenka gobolka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen warbaahintooda waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxa.

Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Sarkaal iyo askari boolis oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:28 0:00


XS
SM
MD
LG