Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska horimaad ka dhashay is-hortaag lagu sameeyey madaxweyne Waare


Waare
Waare

Hal qof ayaa dhintay mid kalena wuu dhaawacmay kadib markii maleeshiyo hubeysan ay is-hortaag ku sameeyeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Israsaaseyntan ayaa ka dhacday deegaanka Ceelgaal ee duleedka Beledweyne, halkaasi oo uu marayey Madaxweyne Waare oo ku sii jeedey degmada Jawiil ee gobalka Hiiraan, oo qiyaastii Baladweyne u jirta 30 KM.

Warku wuxuu intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkiisa ay ku sii jeedeen degmada Jawiil, si uu usoo dhagax dhigo mashaariic kala gaddisan oo Jawiil laga fulinayo.

Waxa kal oo hore degmada Jawiil u gaaray guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise iyo mas’uuliyiin, kuwaas oo doonayay inay soo dhaweeyaan wafdiga madaxweynaha.

Xogo kale ayaa sheegaya in maleeshiyada ishortaagga sameeyay ay ka careysnaayeen qorshe madaxweyne Waare uu ku doonayo in Jawiil ay ku noqoto degmo buuxda.

XS
SM
MD
LG