Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo qarax lagula beegsaday Balcad


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga dawladda Soomaaliya

Qaraxan ayaa galabta ka dhacay nawaaxiga degaanka Gololey.

Wararka hordhaca ah oo aan ka helnay saraakiisha dhinaca amniga waxay sheegayaan in 8 askari ay ku dhinteen, 3 kalena ay ku dhaawacneen qaraxa, sida uu VOA u sheegay ilo wareed dhinaca amniga ah.

Degaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa inta badan miimooyinka ku aasa ururka Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG