Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad sidday gargaar oo lagu rasaaseeyey Qansaxdheere


Baidoa, Somalia
Baidoa, Somalia

Wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in diyaarad sidday sahay gargaar maanta lagu rasaaseeyey degaanka Qansaxdheere xilli ay doonayso inay halkaasi ku degto, sida ay VOA Somali ka heshay ilo-wareed kala duwan.

Diyaaradda ayay waxaa ku dhacay rasaas fudud, waxaana shilkan uu dhacay wax yar ka hor 12-kii duhurnimo, sida VOA ay ogaatay.

Wararku waxay sheegayaan in diyaaraddu ay markii dambe kasoo kacday Qansaxdheere isla markaana ay kusoo laabatay Muqdisho.

Diyaaradda ayaa Qansaxdheere gaysay gargaarka nafaqada leh oo loo waday dumarka iyo carruurta.

Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen. Ma jirto cid wax ku noqotay diyaaradda, inkastoo oogada diyaaradda ay rasaas ka muuqato.

Mid ka mid ah saraakisha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay in loo malaynayo in Al-Shabaab ay rasaasta ku fureen diyaaradda.

Bishan horraanteedii ayey diyaarad ku dhacday Bardaale taasi oo ay ku dhinteen lix qof. Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiya rasaaseeyeen diyaaradda, waxaana haatan socda baaritaan.

Faah-faahinta ayaa weriyahayaga Haaruun Macruuf uu ka waraystay Cabdirusaq Cabdi Ibraahim oo ah guddoomiyaha Qansaxdhere.

Diyaarad lagu rasaaseeyey Qansaxdheere
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:13 0:00


XS
SM
MD
LG