Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday COVID-19


Wasiir Gamadiid
Wasiir Gamadiid

Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa maanta cudurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo golaha wasiirrada ay ku wadajiraan islamarkaana macallin usoo noqday wasiirkii geeriyooday ayaa idaacadda VOA u xaqjiiyay geeridiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyey geerida wasiirka.

Gama’diid ayaa noqonaya wasiir maamul goboleedkii labaad ee Soomaalida ugu dhinta cudurka Coronavirus.

Wasiiru dowlihii Cadaalada HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa sidoo kale 12-kii April Muqdisho ugu dhintay cudurka Coronavirus.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan cudurka COVID-19 ugu dhintay 61 qof, halka dalka laga diiwaan-geliyey 1,594 kiis oo cudurka ah. Waxaa cudurka ka bogsooday 204 qof.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab oo Khadka telefonka ee magaalada Garowe kula xiriiray ayuu Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan uga warramay geerida wasiirka.

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday COVID-19
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00



XS
SM
MD
LG