Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weeraray xerada ciidanka Jubaland ee Dhoobley


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar xooggan ku qaaday xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Maamulka Jubaland oo ku taalla meel u dhow Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley e gobbolka Jubada Hoose.

Inkastoo ay warar kala duwan kasoo baxayaan khasaaraha dagaalka iyo qaabkii uu u dhacay weerarka, haddana sarkaal ka tirsan Maamulka Dhoobley ayaa VOA u xaqiijiyay inay iska caabiyeen weerarkii ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen. Dhanka Al shabaab wali kama aysan hadlin weerarka.

Xerada la weeraray ayaa ahayd xero lagu tababarayay Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland oo aan hubeysnayn kuwaasoo ay warar kala duwan ay ka soo baxayaan xaaladooda.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa Nairobi Wariyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed oo xiriirro kala duwan la sameeyay magaalada Dhoobley.

Al-Shabaab oo weeraray xerada ciidanka Jubaland ee Dhoobley
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00


XS
SM
MD
LG