Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Baydhabo


Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday goob ay ka socdeen ciyaaraha hiddaha dhaqanka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in ugu yaraan saddex qof ay dhinteen in ka badan 15 kalena ay dhaawacmeen markii qaraxaasi uu dhacay.

Weriyahaya VOA uga soo warrama magaalada Baydhaba Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa sheegay in goobjoogayaashu ay u sheegeen inay ka shaki qabaan in qaraxaasi dhulka lagu aasay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay laba inay ahaayeen carruur.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa u dhow xero ay leeyihiin dadka barakacayaasha ah waxayna dhinaca waqooyi ka xigtaa magaalada Baydhaba.

Ciyaaraha ka socday goobta ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo loogu dabbaaldegayey munaasabadda ciidda.

Dhageyso Qaraxa Baydhabo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00


XS
SM
MD
LG