Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muslimiinta Bariga iyo Galbeedka Africa oo maanta ciiday


Dhalinyaro maanta ciidda ugu dabaaldagtay degmada Xamar Weyne
Dhalinyaro maanta ciidda ugu dabaaldagtay degmada Xamar Weyne

Muslimiin badan oo ku nool Bariga iyo Galbeedka Africa ayaa maanta oogay munaasabadda ciidul fitriga oo ka mid ah laba ciidood ee Islamka.

Inta badan dalalka Muslimiinta iyo dunida Carabta ayaan maanta laga ciidin\ oo waxay ciidayaan berito oo Axad ah.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, Baxreyn, Kuwait iyo Djibouti ayaa laga ciidayaa maalinta berito ah.

Somaliya iyo Ehiopia ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga ciiday maanta. Dalka Kenya dadku wey ku kala qeybsameen oo qeyb ayaa maanta iidaysa, qeybna berito.

Dalalka galbeedka Afrika ee maanta laga ciiday waxaa ka mid ah Mali, Niger iyo Ivory Coast. Sidoo kale waxaa laga ciiday dalka Muritania.

Somalida ku dhaqan Mareykanka gaar ahaan gobollada Minnesota, Ohio, Washington iyo Main ayaa intooda badan maanta ciidaya, ka dib markii qaar ka mid ah culumda gobolka ay ciida ku dhawaaqeen xalay.

XS
SM
MD
LG