Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday ciid, kana laabatay go'aan hore


Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta Sabtida ee bisha May ay tahay 23 ay tahay maalinta Ciiddul Fitriga, ayada oo ka laabatay war kasoo baxay saacado ka hor oo ay ku sheegtay in Ciiddu tahay Axad.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah culimada, ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay in dad gaaraya ilaa 8 qof, oo gobollada dalka qaarkood kala jooga, laga xaqiijiyey inay arkeen bisha Shawaal, sidaas darteedna ay ciid tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale barahooda bulshada shacabka ugu hambalyeeyey ciidda.

Go’aanka Ciidda lagu shaaciyey ayaa yimid saacado kadib markii wasiirka uu sheegay in bisha la waayey, sidaas darteedna ay Ciiddu tahay Axad. Si kastaba, wasiirka ayaa markii dambe sheegay inay lasoo xiriireen dad badan oo bisha arkay.

Inta badan dalalka Islaamka, ayaa Ciiddu tahay Axad. Maxkamadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Berri oo Sabti ah la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadan, Ciidduna ay tahay maalinta Axadda, kadib markii la arki waayey bisha Shawaal.

XS
SM
MD
LG