Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya iyo dalal kale oo sheegay in Ciiddu tahay maalinta Axadda


Raadinta Bisha
Raadinta Bisha

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in maalinta koowaad ee Ciidul Fitri ay tahay maalinta Axadda oo taariikhdu ay tahay 24-ka May.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer kadib in berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid; sidaas darteed waxaa la dhamaystirayaa Bisha Ramadaan,” ayuu wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook.

Sidoo kale, Maxkamadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Berri oo Sabti ah la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadan, Ciiduna ay tahay maalinta Axadda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aanka la qaatay kadib markii dadaal ay sameeyey guddiga raadnta bisha lagu arki waayey dhalashada bisha Shawaal.

Sidoo kale, dalal kale oo Islaami ah sida Qatar iyo Turkey ayaa iyaguna sheegay in maalinta koowaad ee ciidda ay tahay Axadda.

XS
SM
MD
LG