Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya?


James Swan
James Swan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbado ka dhagaystay ergayga QM ee Soomaaliya James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira kuwaas oo ka hadlay horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka, hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib mid mid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas.

Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka, oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xifaaltan siyaasadeed”.

Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Jacfar Kukay ayaan hadalkii uu Swan jeediyay warbixintan nooga diyaariyay.

Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00



XS
SM
MD
LG