Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee Soomaalida Nairobi u arkaan dib u dhigista dacwada badda?


Farmaajo iyo Uhuru

Dacwaddii badda ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya oo la dhagaysan lahaa bisha dambe ayaa mar saddexaad dib loo dhigay 19-kii bishan kadib codsi ka yimid Kenya oo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ay aqbashay

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka hadlay go'aan kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) ayaa sheegay in dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

Dacwaddan oo la qaadi doono 15-19 Maarso 2021, ayaa waxaa si weyn looga sugayay Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada oo aaminsan in khilaafka Kenya iyo Soomaaliya uu ganacsigooda iyo badqabkoodu saameynayo.

Wariyaha VOA-da Khadar Xareed ayaa makaroofanka la dhex qaaday Qaar ka mid ah Soomaalida Islii, waxay aragtidooda ka dhiibteen go’aanka ICJ.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:50 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG