Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICJ oo mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska Soomaaliya iyo Kenya


ICJ

Dacwaddii badda ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya oo la dhagaysan lahaa bisha dambe ayaa mar saddexaad dib loo dhigay.

Mas’uul kiiskan la socda ayaa VOA u sheegay in dacwaddaas haatan la qaadi doono 15-19 Maarso 2021.

Kenya ayaa dalbatay codsigan cusub bishii hore iyadoo sabab uga dhigtay cudurka COVID-19.

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka hadlay go'aan kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

Laba jeer oo hore ayaa dib loo dhigay kiiska dhagaysiga dacwadda, waxayna kala ahaayeen bilihii September iyo November ee 2019.

XS
SM
MD
LG