Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiisaska COVID-19 ee Soomaaliya oo gaaray 1,502


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 47 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan Puntland 19, gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7.

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay in Laba qof ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen Somaliland iyo gobalka Banaadir, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 59 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 15 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178, oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay.

Guud 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa Soomaaliya laga diiwaan diiwaan geliyay.

XS
SM
MD
LG