Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose


Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee Africom ayaa sheegay inay duqeyn cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 17-kii May.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Africm waxay sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda ay qiimeysay in duqeyntaas aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman dad shacab ah.

“Taageerada Mareykanka ee saaxiibadeena Soomaaliya waa mid xooggan siina xooganaan doonto,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada Africom, Major General William Gayler.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay duqeyntan, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay ay ku sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada kumandooska Soomaaliya iyo taliska Africom.

Duqeyntan ayaa ahaa tii ugu horreysay ee Africom ay xaqiijiyaan inay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, sidii ay u billaabatay bisha barakeysan ee Ramadan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG