Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Wasiir laga helay cudurka COVID-19


Xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa laga helay xanuunka dunida ku sii fidaya ee Coronavirus.

Wararku waxay sheegayaan in qaar ka mid ah mas’uuliyiintan ay ku jiraan goobaha lagu xanaanaynayo dadka xanuunku soo ritay, halka kuwo kale oo uu si fudud uu u qabtayna ay guryohooda isku baxnaaninayaan mudo 14 maalmood ah.

Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii tegay ay aad u kordhayeen kiisaska cudurka Coronavirus ee laga helay deegaanada maamulka Puntland.

Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka teleefonka ee magaalada Garowe kula xiriirtay wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaam Xaaji Siciid Faarax, oo isaga laftiisa ka mid ah mas’uuliyiinta laga helay xanuunka COVID-19.

Wareysi: Wasiir laga helay cudurka COVID-19
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00



XS
SM
MD
LG