Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo dib u fasaxday soo dejinta qaadka


Khat
Khat

Guddiga ka hor-tagista COVID-19 ee Puntland ayaa sheegay laga bilaabo 18-May in la khafiifiyay go’aanadii bandowga ee saarna deeganada Puntlandiyo iyo soo dejinta jaadka ee dabayaqadii Bishii March ka soo baxay guddiga.

Ganacsatada jaadka aya lagu amray in ay raacan tallaabooyinka caafimad ee looga hor-tagayo faafista COVID-9 oo deeganada Puntland ay ka jiraan kiisas badan, sidoo kalana ay u geeriyodeen dad qabay cudurkaas.

Deeganada Soomalida ee uu gaaro jaadka ayaa uu usoo xareeya canshuur badan taaso ku baaqatay tan iyo intii laga joojiyay jaadka meelo badano oo Soomaaliya ah, wallow deeganada qaybtood uu ku tagayay si kontarabaan dhumaalaysi ah.

Go’aanka Puntland ayaa imanaya ayada oo sidoo kalena maalin ka hor ay Somaliland fasaxday qaadkii iman jiray deegaanada maamulkaas.

XS
SM
MD
LG