Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saciid Deni: Waan u aari doonnaa mas'uuliyiinta la dilay


Deni
Deni

Madaxweynahha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, oo ka hadlay falalka argagixiso ee ku soo noqnoqday Puntland, ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin ammaanka wax looga qabanayo.

Deni ayaa hadalkan jeediyey kadib markii qarax shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo lagu dilay guddoomiyihiin gobolka Mudug iyo dhowr qof oo kale.

Qaraxa ayaa ahaa kii labaad oo wax ka yar laba bilood gudahood lagu dilo guddoomiye gobol, kadib markii sidoo kale qarax dhacay bishii March lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal.

Deni ayaa sheegay inay hayaan raadad la xiriira dilalka guddoomiyeyaashan, islamarkaana ay u aari doonaan mas’uuliyiinta la dilay.

Warbixintan waxaa Garoowe nooga soo dir Nuux Muuse Birjeeb.

Saciid Deni: Waan u aari doonnaa mas'uuliyiinta la dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00


XS
SM
MD
LG