Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo soo warisay 64 kiis cusub oo COVID-19 ah


Fawsiya Abikar
Fawsiya Abikar

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay tiradii u dambaysay ee xanuunka Covid-19 ee guud ahaan Soomaaliya.

Dawladda ayaa sheegtay in cudurka laga helay 64 qof, kuwaasi oo 33 ay joogaan Gobolka Banaadir, Somaliland 16, Galmudug 8 iyo Koonfur Galbeed oo ah 7.

Dawladdu waxay sidoo kale sheegtay in hal qof uu u dhintay xanuunka.

Guud ahaan kiisaska cudurka ayaa haatan ah 1,421, halka 152 ay ka bogsadeen, 56 kalena ay u dhinteen.

XS
SM
MD
LG