Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM: Waxaan ka hortagnay weerar Al-Shabaab


Ciidamada Kenya ee AMISOM
Ciidamada Kenya ee AMISOM

Taliska AMISOM ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ee Jubada Hoose ay xalay ka hortageen weerar ka dhan ah ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland, kuwaasi oo AMISOM ay sheegtay in haatan lagu daweynayo xarun caafimaad oo AMISOM ay ku leedahay magaalada.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidankoodu ay hub kala wareegeen malayshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, ka dib markii weerarkaasi ay iska caabiyeen.

Taliyaha qeybta 2-aad ee AMISOM Paul Njema ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay xalay saqdii dhexe ayna qaadeen ilaa 20 ka tirsan malayshiyada Al-Shabaab oo saddex jiho ka weeraray saldhigga ciidamada amniga ee Jubbaland, sida uu yiri.

Waxa uu sheegay in ciidamada difaaca AMISOM ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarkaasi, ayna gacan siiyeen ciidamada Jubbaland ee weerarku ku socday. Saddex ka tirsan maleyshiyada Al-Shabaab ayuu taliyuhu sheegay in weerarkaasi lagu dilay iyadoo la dhaawacay dhowr kale.

Qeybta 2-aad ee ciidamada AMISOM ee ka howlgasha deegaanada koonfurta Soomaaliya ayaa u badan ciidamo ka socda dalka Kenya, kuwaasi oo saldhigyo ku leh in ka badan toban magaalo.

XS
SM
MD
LG