Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu danbeeyey ee qarixii Gaalkacyo


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, sida ay saraakiil u xaqiijiyeen VOA.

Mas'uuliyiinta magaalada Gaalkacayo ayaa VOA u xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay guddoomiyihi Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, walaalkiis iyo laba ka tirsan ilaaladiisa

Qof rayid ah iyo qofkii ismiidaamiyey ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa. Afar qof oo uu ku jiro darawalkii gudoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, Saahid Maxamuud Cali, ayaa u sheegay VOA Somali in gudoomiyaha iyo ilaaladiisuba ay isla goobta qaraxa ku geeriyoodeen.

Saahid Maxamuud Cali ayaa sida uu weerarkaasi u dhacay uga warramay Haaruun Macruuf.

Wareysi duqa magaalada Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:10 0:00

Gudoomiyihii Mudug ee dhanka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa jagadaasi loo magacaabay bishii May ee sanadkii hore. Hore ayuu u soo noqday gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug.

XS
SM
MD
LG