Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland


Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland iyo ilaaladiisa.

Mas'uuliyiinta magaalada Gaalakacyo ayaa VOA u xaqiijiyey in qaraxaas uu ku geeriyooday guddoomiyihii Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.

Mas'uuliyiintu waxay ku eedeeyeen in qaraxaas ay ka dambeeysay kooxda Al-Shabaab.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG