Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mashruuca Internetka ee 2-Africa oo la Daah-furay


Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dhawaaqay daah furka Mashruuca Xarrigga internetka ee 2-Africa, oo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu dheer xargaha internetka ee badda hoosteeda mara dunida, kaas oo isku xiraya Yurub, Bariga Dhexe iyo 16 dal oo ka tirsan Afrika.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Shirikadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC, ayaa waxaa Soomaaliya wakil uga ah Shirkadda Dalkom, oo iyadu horey Somaliya u geysay xarigga internetka ee badda hoostisa mara ee Fiberoptigga loo yaqaan.

Maxamed Colaad Xassan ayaa Khadka taleefanka ee Nairobi kula xiriiray, Maxamed Axmed Jaamac, oo ah maamulaha Guud ee Shirkadda Dalkom Soomaaliya. Wuxuuna ugu horeyn weydiiyay inuu faahfaahiyo xarrigaan internet iyo waxa uu yahay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG