Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goormaa dib loo furayaa duulimaadyada Soomaaliya?


Garoonka Muqdisho

Waxaa maanta garoonka Diyuuradaha Dulles International Airport ee waqooyiga gobolka Virginia kasoo dageysa diyaarad siday qeyb ka mid ah dad shalay laga soo qaaday magaalada Muqdisho oo heysta dhalashada Mareykanka, Canada iyo qeybo Yurub ah, kuwaas oo Covid 19 aawadii ugu xannibnaa Soomaaliya.

Diyaaraddaas ayaa aheyd mid gaar ah, waxaana weli xayiraad ay saaran tahay duulimaadyadii Soomaaliya, oo dowladda ay u joojisay xakameynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Wariyaheena London Rdwaan Xaaji Cabdiwali oo kamid ahaa dadkii shalay Muqdisho kasoo baxay ayaa intii aanu soo duulin waxa uu Maareye-ku-xigeenka Garoonka Aadan Cadde Saacid Cabdi Celiye weydiiyay xilliga ay suurto-galka tahay in duullimaadyadii Soomaaliya dib loo furo.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG