Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa loo wareejin la'yahay lacagta gurmdka Beledweyne?


Fatahaadda Beledweyne (Sawir hore)

Maalintii shanaad ayaa waxaa bannaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waran kumannaan qoys oo ka baro-kacay biyaha guryahooda harqiyay, kadib fatahaad ka dhacday magaalada.

Majiro wax gar-gaar ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya ama maamulka Hirshabeelle oo dadkaasi ilaa iyo hadda la gaarsiiyay.

Waxaa jirta lacag loogu talo-galay in lagu caawiyo dadkii ay ku dhufatay musiibadii sidan oo kale ku habsatay sanadkii hore, lacagtaas oo soo daahday ayay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay maamulka Hirshabeelle Axaddii lasoo dhaafay, laakiin dhaqaalahaasi wali laguma wareejin Guddiga Gurmadka Fatahaadda Beledweyne, meel fagaare ahna laguma soo bandhigin, oo wali khasnadda Hirshabeelle ayey ku jirtaa.

Haddaba sababta lacagtaasi aan ilaa hadda si daah-furnaan ah wax loogu qaban iyo xaaladda guud ee dadka Fatahaadda ku baro-kacay ayuu Jacfar Kuukay ka wareystay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:23 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG