Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad gaar ah oo Muqdisho kasoo qaadey 153 qof


Garoonka Muqdisho

Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka soo qaaday 153 qof oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.

Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain.

Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo ka duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

Hadaba wariyaheena Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ka mid ahaa dadkii maanta ka soo dhoofayey magaalada Muqdisho ayaa wax yar kahor intii aysan diyaaradii sidey soo duulin warbixintan noo soo direy.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:39 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG