Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo shaacisay 81 kiis oo cusub oo Coronavirus ah


Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tiro cusub oo ah dad uu ku dhacay cudurka COVID-19, 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana laga helay cudurka 81 qof.

Sida ay wasaaradda sheegtay goobaha kiisaskan laga diiwaangiyey ayaa kala ah:

Benadir: 44
Jubaland: 24
Somaliland: 5
Puntland: 6
Hirshabelle: 2

Bukaannda cusub ee la shaaciyey ayaa 50 waxay yihiin rag halka 31-na ay yihiin haween, sida ay wasaaraddu sheegtay.

5 qof ayaa sidoo kale ka boqsootay cudurka, mana jiro bukaan u geeriyooday 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda.

Tirada guud ee laga helay ayaa ah 1170, waxa bogsaday 126, dhimasho cusub lama soo sheegin, waxayna taagan tahay 52

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG