Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo diiwaan-gelisay 35 kiis oo cusub oo COVID-19 ah


Fowsiya

Dawladda Soomaaliya ayaa soo gudbisay liiska kiisaaka cusub ee Coronavirus ee dalka laga diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Waxay dawladdu sheegtay in la diiwaan-geliyey 35 xaaladood oo cusub oo 24 yihiin gobolka Banadir, 3 Somaliland iyo 8 ah Puntland.

Dawladdu waxay soo gudbisay dhimashada hal qof taasi oo guud ahaan dhimashada ka dhigaysa 52 qof, tan iyo markii kiisii ugu horreeyey laga diiwaan geliyey Soomaaliya.

Kiisaaka guud ee dadka laga helat COVID-19 ee Soomaaliya ayaa hadda ah 1,089 qof. Waxaa cudurka ka bogsootay 121 qof.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG