Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti: 7 bil kahor ayaan bixinay lacagta gurmadka Beledweyne


Safiir Aadan Xasan Aadan
Safiir Aadan Xasan Aadan

Guddiga Gurmadka Beleweyne ayaa 7-dii bishan VOA u sheegay in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin.

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in lacagtaasi ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka Soomaaliya.

Hase yeeshee madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in lacagtaas lasoo gaarsiiyey shalay.

Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) ayaa xusay in iyagu aanay faraha la galeynin maamulka gudaha Soomaaliya, iyo sidii kaalmadaasi loo maareynayay.

Safiirku waxa uu warramay wariyahayaga Jacfar Kukay oo Washington jooga.

Jabuuti: 7 bil ka hor ayaan bixinay lacagta gurmadka Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:00 0:00


XS
SM
MD
LG