Isku xirrada

War Deg-Deg ah

60% Soomaalida Garden City oo laga helay Coronavirus


Inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalo lagu magacaabo Garden City, oo ku taalla gobolka Kansas ee dalka Maraykanka, ayaa la sheegay in laga helay xanuunka Coronavirus.

Dadka magaaladaasi ku nool ayaa in ka badan saddex meelood laba waxay ka shaqeeyaan wershad hilibka lagu qalo.

Waxaa lagu warramaya in dad ka badan 60% laga helay xanuunka COVID-19, qaar badan oo kalena aan la baarin balse lagu arkay calaamadaha xanuunka qaarkood.

Ilaa hadda nin kali ah ayaa la xaqiijiyay inuu xanuunkaasi u geeriyooday.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa khadka teleofonka ka kula xiriirtay Maxamuud Aaden Xasan, oo ka mid ah mas’uuliyiinta jaaliyaada Soomaalida magaaladaasi degen oo isaga laftiisa xanuunka laga helay.

60% Soomaalida Garden City oo laga helay Coronavirus
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:44 0:00


XS
SM
MD
LG