Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo soo werisay 57 kiis oo COVID-19 ah


Fawsiya Abikar
Fawsiya Abikar

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas cusub oo ah cudurka Covid19.

War saxaafadeed goor dhow lagu daabacay baraha bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la diiwaangeliyey 57 kiis oo cusub oo ah cudurka Coronavirus.

Dawladdu waxay sheegtay meelaha laga kala diiwaangeliyey kiisaskaas oo kala ah gobolka Baanadir oo 23 kiis ah, Somaliland 17 iyo Puntland oo 17 ah.

Waxay sidoo kale dawladdu sheegtay in ay saddex qof u dhinteen cudurka COVID-19.

Tirada guud ee dhiamshada Soomaaliya ayaa ah 51, iyadoo tirada guud ee kiisaskana ay yihiin 1,054. 118 qof ayaa la soo wariyey iney ka bogsadeen cudurkan.

XS
SM
MD
LG