Maamulka Puntland ayaa shalay soo tebiyey 17 kiis oo cusub oo ah xanuunka Corona Virus. Tirada guud ee dadka laga helay xauunka Coronavirus ee deegaannada Puntland ayaa haatan ah 76 qof.
Dadka uu soo ritay xanuunka COVID-19 ayaa waxaa ka mid ah xubin ka tirsan golaha wasiirada ee maamulka Puntland iyo xubin isna ka tirsan baarlamaanka.
Warbixintan waxaa Garoowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.