Somaliland ayaa soo warisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay lix kiis oo cusub oo COVID-19 ah laga helay, iyadoo hal qofna uu cudurkan maanta u geeriyooday.
Guud ahaan kiisaska COVID-19 ee Somaliland ayaa haatan ah 40, iyadoo tirada dhimashaduna ay tahay 5 qof. Warbixintan waxaa magaalada Hargeisa ka soo diray wariyahayaga Khadar Maxamed Cakulle.