Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi beeniyey in dowladdu kaalin ku leedahay dadaallada Beledweyne


Fatahaadda Beledweyne
Fatahaadda Beledweyne

Waxaa soconaya dadaallo ay wadaan Guddiga Gurmadka Magaalada Beledweyne oo lagu doonayo in sanadkan fatahaad looga badbaadiyo magaalada oo muddooyinkii u dambeeyay ay sanad walbaa dadku daadad uga baro-kici jireen.

Guddiga oo VOA la hadlay ayaa beeniyay in howsha socota ay kaalin ku leedahay dowladda federaalka, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku gaysay Beledweyne.

Dowladda federaalka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag gaareysa 500 oo kun oo dollar ay ugu deeqday dadka ay fatahaaddu magaaladaasi ku saameysay, hase yeeshee Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa VOA u sheegay in lacagtaasi aanay soo gaarin dadkii loogu talo-galay.

Xaaji Cismaan ayaa isagoo Beledweyne ku sugan waxa uu u warramay Jacfar Kuukaay, waxaanu ugu horreyn ka hadlayaa dadaallada ay hadda guddigoodu wadaan.

Guddi beeniyey in dowladdu kaalin ku leedahay dadaallada Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:31 0:00


XS
SM
MD
LG