Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo laga diiwaan-geliyey 55 kiis oo cusub oo COVID-19 ah


Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in la diiwaan geliyay 55 kiisas cusub oo COVID-19 ah, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka , halka 19 qof oo kalana ay ka bogsoodeen.

Sida wasaaraddu sheetay, kiisaska cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41) Puntiland, (13) iyo HirShabeelle (1).

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa guud ahaan hadda ah 928 qof, halka dadka u u dhintay illaa hadda ay yihiin 44 qof.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG