Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xayiraadii lagu soo rogay Islii oo dhaqan gashay


Islii
Islii

Xaafadda Islii ee magaalada Naiorbi waxaa maanta ka dhaqan galay xayiraad ay Dowladda Kenya shalay ku soo rogtay ganacsigii iyo isu socodkii xaafadda.

Waxaa gabi ahaanba la joojiyay dadkii kala duwanaa ee u soo dukaamaysi tagay jiray suuqa weyn ee Islii, ayadoo la arkayay jidgooyooyin ay Ciidamada amaanka ku gooyeen wadooyinka laga soo galo Xaafadda Islii.

Waxaa sidoo kale la xiray dukaamadidii kala duwanaa ee suuqa Islii ayadoo dhaq dhaqaaqa dadka ee xaafadda Islii dhexdeedana uu aad u kooban yahay.

Hadaba go'aanka Xayiraadda ay Dowladda Kenya kusoo rogtay Xaafadda Islii ayaa waxaa si adag uga hadlay dadweynaha ku nool Xaafadda Islii kuwaasoo Dowladda Kenya ugu baaqay inay dib u eegto go'aanka xariyaaradda maadaama dhaq dhaqaaqa Suuqa Islii ay nolashoodu ku tiirsan tahay dad badan oo dan yar ah.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa la dhex qaaday makarafoonka.

Xayiraadii lagu soo rogay Islii oo dhaqan gashay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00


XS
SM
MD
LG