Isku xirrada

War Deg-Deg ah

COVID-19: Soomaaliya oo diiwaan-gelisay 38 kiis oo cusub


Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay 38 kiis oo cusub oo COVID-19 ah, 24-kii saac ee tagay.

Waxaa sidoo kale geeriyooday qof ka mid ah dadkii horey looga helay cudurka, ayada 12 qof ay bogsadeen, sida ay sheegtay wasaaradda

Kiisaskan cusub ayaa 35 ka mid ah laga diiwaan-geliyey gobolka Banaadir, halkan saddex laga diiwaan-geliyey Somaliland. 30 ka mid ah bukaannada ayaa la xaqiijiyay inay yihiin rag, halka sideeda kale ay yihiin haween.

Tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyey ayaa gaaray 873, waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 qof oo kale ayaa u geeriyooday.

XS
SM
MD
LG