Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ka hadashay diyaaraddii ku dhacday Bardaale


Burburka Diyaaradda
Burburka Diyaaradda

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha isku xirka bani’aannimada ee Soomaaliya, Adam Cabdelmowla ayaa sheegay in uu aad uga naxay warka ah in diyaarad siddey gargaar bani’aadannimo ay ku dhacdey magaalada Bardaale oo 55 km u jirta magaalada Baydhabo xarrunta gbolka Baay.

Burburka dyaaradaas ayaa sababay geerida lix qof oo saarnaa dayaaradda, kuwaasi oo isugu jira afar Soomaali ah iyo laba Kenyan ah.

Cabdulmowlaa waxa uu sheegey in uu tacsi u diraayo ehelka iyo qaraabadii ay ka baxeen dadakaasi, oo uu tilmmamay inay naf hurid sameeyeen, iyagoo ku guda jirey howl muhim ah oo ah inay dadka kale caawiyaan.

Waxa uu intaas ku daray in QM ay sameyn doonto wax kaste oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka ah iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, si loo helo waxa sababay shilkaasi.

Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa shalay booqday goobta ay ku dhacday diyaaradda oo ay lahayd shirkadda African Express.

XS
SM
MD
LG