Isku xirrada

War Deg-Deg ah

79 kiis oo cusub oo COVID-19 ah oo laga diiwaan geliyey Soomaaliya


Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee tegay ay diiwaan gelisay 79 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in saddex qof oo kale ay cudurka ugu geeriyoodeen gudaha dalka. Tirada guud ee dhimashada ayaa hadda ah 38 qof.

Sida ay wasaaradda sheegtay, 14 qofood ayaa sidoo kale ka bogsootay cudurka, taasi oo guud ahaan tirada cudurka ka bogsootay ka dhigeysa 75 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 79-ka kiis ee la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8).

62 ka mid ah bukaannada cusub ee la xaqiijiyay inuu cudurka ku dhacay ayaa ah rag, halka 17-ka kale ay ka yihiin haween.

Tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyey ayaa gaartay 835.

XS
SM
MD
LG