Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lix qof oo ku dhintay diyaarad ku dhacday garoonka Bardaale


Somalia

Lix qof oo saarnayd diyaard sidday xamuul ayaa ku dhintay kadib markii dyaaraddaasi ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale.

Diyaaradda ayaa ku duulaysay meel dhulka u jirta ilaa 670 mitir markii ay dhacday.

Laba mas’uul ayaa VOA u sheegay in diyaaradda ay ku dhaceen wax dhulka laga riday oo mid ka mid ah uu ku tilmaamay gantaal.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa degaanka Bardaale, ilaa haatanna wax war ah kama soo bixin ciidanka Itoobiya iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa VOA u sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali. Weli lama shaacin dhalashada dadka kale.

Sababta dhalisay inay diyaaradda soo dhacdo ayaa la baarayaa.

Diyaaraddan ayaa daawo iyo agab kale oo ay ka mid yihiin sesenyeeri u sidday magaalada Bardaale.

Mas'uul ka tiran shirkadda diyaaradaha Afarican Express ayaa idaacadda VOA u sheegay in diyaaradda ay shirkaddu leedahay isla markaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee Gobolka Bay.

Wararka aanu ka helnay laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday meel u dhow garoonka.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Muqdisho iyadoo sii martay magaalada Baydhaba kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG