Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiisaska COVID-19 ee Soomaaliya oo dhaafay 600


Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayada oo tirada guud ee kiisaska dalka ay gaareen 601.

19-ka qof ayaa 13 ka mid ah ay yihiin rag, halka lixda kalena ay haween yihiin. 11 qof oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka, sida ay sheegtay wasaaradda.

Sida qoraalka lagu sheegay, 18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna deegaanada Koonfur Galbeed.

Sida dowladda ay sheegtay, tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan.

Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 qof ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG